Gå direkte til innholdet
Xasuusta Habeenkii Madoobaa
Spar

Xasuusta Habeenkii Madoobaa

Farxad bay ii tahay in aan nasiib u helay qoridda qisadan murugada iyo uurkutaallada leh, tan oo mahadhooyinka aan harin ku reebtay qoysas badan oo Soomaaliyeed, anoo rajeynaya mustaqbalka in ay raadraac iyo dhaxal u noqoto jiilalka danbe, taas oo ay ku ogaanayaan wixii dhacay 28-Febraayo ilaa 01 Marso 1991. Dhacdadan oo guryo badan haleeshay ayaa ahayd mid qoyskayagaba saameyn ku yeelatay, waxaana ku weynay labo gabdhood, oo ka mid noqday dadkii 400 ku dhawaa. Waa Drs Faadumo Cabdi Ciid iyo Luul Cabdi Ciid, oo aan ka bartay Raadiyo Muqdisho, oo ay wax ka diyaarin jirtay barnaamijkii Bandhiga Raadiyaha, nasiibna aanan u yeelan in aan is aragno. Waxaase cajaa'ib ahayd Intii aan qoraalka buuggan waday in aan la kulmay dad badan oo si uun lug ugu yeeshay masiibadii doonta Al-Xamra, kuwo ay ka soo tagtay iyo kuwo ehelkood ku baaba'ay. Doontii Al-Xamra waxa ay u dhigantay shilkii markabka Titanic-ga ee degay April 14-15 1912-kii. Hooyo Jinow Caynab, oo go'aansatay in xanuunkii ay soo martay Soomaali la qaybsato ayaan mahadgaar ah u celinayaa. Waxaadna ka baraneysaa kartida iyo adkeysiga hooyada Soomaaliyeed iyo sida ay ugu babacdhigto dhib walba si ay carruurteeda u badbaadiso. Qoraa Muxyadiin Xuseen Ciid
Alder
15+ år
ISBN
9781800688377
Språk
Somali
Vekt
222 gram
Utgivelsesdato
1.2.2026
Antall sider
134