Siirry suoraan sisältöön
Wiilkayga dagaalka uu la galay kansarka: Sheeko badbaado iyo guul laga gaadhay Neuroblastoma.
Tallenna

Wiilkayga dagaalka uu la galay kansarka: Sheeko badbaado iyo guul laga gaadhay Neuroblastoma.

Wiilkayga Dagaalka uu Lagalay Kansarka: Sheeko badbaado iyo guul laga gaaray Neuroblastoma, waa sheeko xamaasad Ieh oo ku salaysan dhacdooyinka nolosha dhabta ah ee ku xeeran waayo'aragnimada aabbaha da'da yar, Nuur Amaan, kaas oo si lama filaan ah u ogaaday in wiilkisa Xamiid oo laba jir ah uu qabo Neuroblastoma, Isaga oo nala wadaagay sheekadisa dareenka leh ee tafatiran.

Qoraagu waxa uu akhristaha u dulgeynayaa tallaabo-tallaabo socdaalkiisa waayo'aragnimo ee murugada leh. Isaga oo aan waxba la hadhin. Nuur waxa uu bixinayaa warbixin cad oo ku saabsan xaqiiqooyinka wax-ka-qabashada cudurka halista ah ee kansarka, isaga oo faahfaahinaya habka daawaynta wiilkiisa loo maray, sidoo kalena sharraxaya dareenka murugada leh ee saameeya waalidiinta is arka iyaga oo xilli walba filan kara suurtagalnimada dhimashada ilmahooda yar. Buuggan oo u qoran si fudud oo qof kasta oo doonaya in uu helo rejo iyo dhiirrigelin dhanka nolosha ahi uu fahmayo, waa mid cajiib ah oo ku soo jiidanaya.

Alaotsikko
Sheeko badbaado iyo guul laga gaadhay Neuroblastoma.
Kirjailija
Noor Aman
ISBN
9788230366912
Kieli
somali
Paino
181 grammaa
Julkaisupäivä
1.4.2025
Kustantaja
My Son
Sivumäärä
146