Gå direkt till innehållet
Taariikhda Farsoomaalida (1880-1972)
Spara

Taariikhda Farsoomaalida (1880-1972)

Författare:
pocket, 2026
Somali
Lägsta pris på PriceRunner

Muddo ku siman 100 sannadood, ayaa Afsoomaaliga kolba hab loo qorayey. Hababkaas oo ka koobnaa xuruufta carabida, laatiin iyo kuwo Soomaalidu hindistay. Hasayeeshee, waxa xilli fog soo bilaabmay adeegsiga xarfaha carabida oo la kowsaday xilligii diinta Islaamku dhulka Soomaalida soo gaadhay.

Isticmaalka xuruufta carabida oo Afsoomaaliga lagu qoro, . waxa la adeegsanayey ilaa qamigii labaatanaad. Fartaas oo beryihii danbe loo yaqaannay Farwadaad. Wakhti dheer waxay dadka Soomaaliyeed ka soo horjeedeen in xarfaha laatiinka Afsoomaaliga lagu qoro. Waxay aad u taageersanaayeen in xuruufta carabida loo adeegsan karo Afsoomaaliga qoraalkiisa. Laakiin, go'aankii 1972 ay gaadhay dawladdii xilligaa joogtay, waxa uu soo afjaray dooddii muddada dheer soo taagnayd. Waxaana la qaatay far laatiin.

Hasa ahaatee, buuggani waxa uu ku saabsan yahay farihii kala duwanaa ee qoraallada galay laguna daabacay buugaag ama maqaallo ku soo baxay wargeysyo.

Waxa uu buuggani wax ka tilmaamayaa fartii Sh. Cabdiraxmaan Qaaddi, Yuusuf Cismaan Keenaddiid, Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil, Sheekh Aweys iyo kaalintii dad

badan oo ajaanib iyo Soomaaliba ahi ku lahaayeen qoraalladii farsoomaalida ee la daabacay.

Undertitel
Min Far Carabi ilaa Far Laatiin
ISBN
9789198969948
Språk
Somali
Vikt
308 gram
Utgivningsdatum
2026-01-01
Sidor
254