Gå direkt till innehållet
Afka Hooyo Waa Hodan
Spara

Afka Hooyo Waa Hodan

pocket, 2020
Somali

Biyo-culusta buuggan daabacaaddiisa labaad waa dhawr

qodob oo iskaashanaya ama isbuuxinaya oo kala ah: qiimaha

afka iyo ahmiyaddiisa, heerarkii sooyaalka qoraalka farta

Soomaaligu soo martay, isirro afka madhxintiisa u taagnaa

xilligii aanu qornayn, hodantinnimadiisa ka marag kacaya

oo dhinaca tarminta iyo tayada ereyadiisa qaabbilayey,

meerisyo gabay oo sidii maahmaahda u dhaqan galay,

gabay-ku-maahmaahyo beyd ama beydad aynu u

bixinnay, maanso-ku-sheekaynta suugaaneed, doorarka

iyo xaaladaha shibbaneyaasha labanlaabma, isrogrogga

iyo macneyaal kala duwan oo ay sameeyaan ereyada il,

far, dheg, iyo af, qabyada qoraalka afka Soomaaliga iyo

raadadka afafka qalaadi ku yeesheen afka Soomaaliga,

gaar ahaan Carabida, Ingiriisida, Talyaaniga, iyo kuwo

kale. Ugu dambayntii waxa uu buuggu isweydiinayaa in af

Soomaaligu badbaadi karo

ISBN
9780995753365
Språk
Somali
Vikt
313 gram
Utgivningsdatum
2020-06-19
Sidor
320